Qaamuuska

Habka uu qaamuuskani u samaysan yahay

Erey kasta oo ka mid ah qaamuuskan, sharraxaaddiisa ka sokow, waxaa raacsan macluumaad kale oo la xariira sharraxaadda ereyga, sida aan ka arkayno ereyga soo socda.

masaarif m.dh Lacag joogto ah oo hal beri la biishado; biil, ld masruuf.

Ereyga la fasirayoKoox naxweedka ereyga (m.dh = magac dheddig)Qeexidda micnaha ereygaErey kale oo la micna ah (ld) ereygaas la fasirayo
Masaarifm.dhLacag joogto ah oo hal beri la biishado; biilld masruuf

Qaybahan warkooda oo faahfaahsan waxaa caddaynaya qodobbada soo socda, oo aan isugu xijinnay sidatan: (I) ereyga la fasirayo, (II) qeexidda micnaha, (III) ereyga la micnaha ah, (IV) koox naxweedyada.

I Ereyada la fasirayo iyo sida ay u taxan yihiin

Laba erey ama in ka badan, oo qaab ahaan isku si loo qoro, laakiin ay ka kala duwanyihiin naxwa ahaan iyo micna ahaanba, waxaa la kala siiyaa lambaro isku xiga: magacyada ayaa la hormariyaa, falalka ayaa lagu xijiyaa, kaddibna qaybaha kale ee ereyada; magacyadana kuwa labka ayaa laga hormariyaa kuwa dheddigga. Tus.:

abuur¹ m.l 1. (m.l.u) Miro loogu talagalay in wax lagu beero. 2. ld abuurid.

abuur² m.dh Dabeecad ama muuqaal loo dhashay; baxaalli. ld abuuris.

abuur³ f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax aan hore u jirin uumis. 2. Wax beerid.

II Qeexidda micnaha ereyga

a) Haddii erey uu leeyahay hal micne wax ka badan hal mar uun baa la qoraa ereygaas, micna kasta oo uu leeyahayna ereygaas lambar ayaa la siiyay, sida ereygan, oo leh 5 micne oo kala duwan:

bocor¹ m.l 1. Burcadka caanaha geela ka soo baxa. 2. Meesha kuusan oo cunaha ragga ku taal. 3. Miro ay qaraha isku bahyihiin oo la cuno marka la kariyo. 4. Geedka digirta marka uusan weli aad u soo bixin ee madaxiisu fooraro.

b) Waxaa la maqlaa mararka qaarkood erey ay Soomaalidu micne kala duwan u taqaan, yacnii erey micnihiisa, sida gobollada woqooyi looga yaqaan si ka duwan gobollada koofureed looga yaqaanno. Haddaba, ereyga noocaas oo kale ah waxaa la siiyay labadiisa micne ee kala duwan, sida ereygan:

iskadhal m.kh 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.

III Ereyada isku micnaha leh

Waxaa jira ereyo badan oo isku micno leh, kuwaasoo loo kooxayn karo laba qaybood.

1) Ereyo sammi ah (synonymous)

Waa ereyo micno wadaaga, laakiin qaabkoodu uu kala duwan yihiin, sida illin iyo irrid. Haddaba ereyga sammida ahi wuxuu ku qoran yahay dhammaadka micnaha ereyga kale, kaddib astanta (;).

illin m.l (-mmo/-nno, m.dh) Meesha furan oo guryaha, xeryaha, qolalka iwm laga galo; irrid.

2) Ereyo isku mid ah (variants)

Waxaa jira ereyo aad u badan oo isku mid ah, laakiin Soomaalida ku kala nool gobollada qaarkood ay ugu dhawaaqaan amaba u qoraan siyaabo yara kala duwan, sida:.

a) ereyada soo socda, oo laba qaab loo adeegsado

quraanyo = quraanjo

baratami = bedertami

necbaan = nebcaan

ningax = lingax

tabar = tamar

Ereyadan kor ku xusan, oo mid waliba leh mid la mid ah, iyo wixii la halmaalaba, badankooda waa la qoray si aan cidna loogu eexannin, mid baase la micneeyay, kaasoo ah midka adeegsigiisa aadka ugu badan, midka kalena waxaa keliya oo hortiisa lagu qoray "ld" (la mid ah) iyo ereyga kale ee la micneeyay, oo loola danleeyahay "micnihiisa ka raadi ereygaa kale ee la midka ah". Tus.:

quraanjo m.dh.u, ld quraanyo.

quraanyo m.dh.u, Cayayaan yaryar oo jaadad badan, beelbeel u degta oo aan baalal lahayn, lehna lix addin iyo labo gees.ld quraanjo.

Ereyada (ld), ee ku qoran dhammaadka micnaha, waxaa dhici karta in qaarkooda aan ka mid ahayn taxanaha ereyada la fasirayo, maxaayeelay adeegsigooda ayaan badnayn, sida uu horayba Yaasiin C. Keenadiid (1976) qaamuuskiisa ugu adeegsaday habkaas.

b) Haddii ereyga la midka ahi uu la wadaago ka la fasirayo inta micno ee uu leeyahay oo dhan, waxaa ereyga la midka (ld) ah lagu qoray dhammaadka qeexidda micnaha ugu dambeeya. Tus.:

asqaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax aqsaysan ka dhigid. 2. Cid hadal ku wareerin. ld aqsaysii.

c) Haddiise ereygu uu leeyahay in ka badan hal micno oo ereyga la midka ahina uu la wadaago hal micno oo keliyah, inta kalena aan lala wadaagin, waxaa ereyga la midka ah (ld) loo yeelay lambar gaar ah. Tus.:

deegaan m.l (-nno, m.dh) 1. Geed weyn canjeelka u eg, sida badan webiga jiinkiisa ka baxa oo leh miro la cuno. 2. ld degaan.

degaan m.l (-nno, m.dh) Meel la deggan yahay. ld deegaan (2).

Ereyga hore (deegaan) oo laba micne leh, micnihiisi labaad (2) oo keliya ayuu la wadaagaa micnaha ereyga labaad (degaan), sidaa awgeed ayaa dhammaadka micnaha ereyga degaan loogu qoray: ld deegaan (2), oo loola jeedo waa la mid micna labaad ee deegaan.

d) Waxaa kaloo jira qaar ka mid ah ereyada isku midka ah oo dhigaalkoodu uu kala yara duwanyahay, oo laba nooc ah.

  • Kuwa xarafahoodu isasaameeyeen, sida:
    -ng- (hingo)
    -gg- (higgo)
    -rn- (furnay)
    -rr- (furray)
    -ln- (dilnay)
    -ll- (dillay)
  • Kuwa u qoran qaab lahjadeed, sida:
    -a- (hawl)
    -o- (howl/hool)
    q- (qalad)
    kh- (khalad)
    -r- (ma jiro)
    -dh- (ma jidho)
  • Kuwa higgaaddoodu u baahan tahay in la mideeyo, sida:
    -ey (erey)
    -ay (eray)
    -ay (kariyay)
    -ey (kariyey)

Ereyada saddexdan kooxood, kuwa leh xarafka ku taxan safka bidix, ayaa ah kuwa ku qoran qaamuuskan. Xarafka taxanaha kale ee midig waa kuwa la midka ah ee aan ku xusnayn halkan. Arrintan waxaan u yeelnay, si aan gacan ugu gaysanno habsocodka midaynta dhigaalka af Soomaaliga guud.

IV Sifeynta erey naxweedyada kala duwan

Ereyadu waxay u kala baxaan qaybo kala duwan, giddigoodna isku si looma adeegsado. Ereyada qaarkood waxaa loo adeegsadaa magac lagu aqoonsado wax nool iyo wax aan noolaynba, kuwana waxaa loo adeegsadaa fal ahaan, kuwa kalena si la isaga xiriiriyo ereyo kala duwan iwm. Sidaa darteed, ereyadu waxay kala raacsan yihiin koox naxweedyada kala duwan. Haddaba, erey walba oo ku xusan qaamuuskan waxaa raacsan magaca koox naxweediisa oo la soo gaabiyay. Waa kuwan taxanaha magacyada koox naxweedyada ugu doorka roon:

m. magac
m.l magac lab
m.dh magac dheddig
m.f magac faleed
m.kh magac khabareed
m.u magacuyaal
f fal
f.g fal-gudbe
f.mg fal-magudbe
ti tilmaame
q qodob
qr.dir qurub diiradeed
xi xiriiriye
h horyaale