Qaamuuska

Naxwaha Af Soomaaliga oo Kooban

Qaybaha ugu muhimsan ee naxwaha af-soomaaliga, oo looga baahanyahay xagga sifaynta af-soomaaliga, oo caadiyan loo yiqiin "qaybaha hadalka", waxay yihiin: magacyada, cayimayaasha (determiners), magacuyaallada, falalka iyo qurubyada. Inta aan loo gudaggelin sifaynta qayb walba waxaa muhim ah in hoosta laga xarriiqo qaar kamid ah waxyaabaha u gaarka ah ereyada af-soomaaliga.

Ereyada af-soomaaliga waxaa ka mid ah ereyo badan oo lagu magacaabi karo erey-saleedyo, yacnii waa ereyo aan weli naxwe ahaan caddayn waxa ay yihiin.

Erey-saleedyada waxaa laga heli karaa weedha dhaxdeeda iyagoo ah magac, kaasoo noqon kara yeele ama layeele (toosan/dadban), ama isagoo ah fal u shaqaynaya khabar ahaan (predicate). Tus:

- qosol (erey-saleed)

Halkan qosol loogama baahna (magac)

Wiilku waa qoslay (fal)

- caddayn (erey-saleed)

Caddayn baa lagaa rabaa (magac)

Waxaan caddaynayaa inaad shaqaysay (fal)

- quusad (erey-saleed)

Iska ilaali quusadka (magac)

Inta aadan quusanin ayaan kula hadlayaa (fal)

Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa astaamaha guud ee ay leeyihin koox-naxweedyada ama qaybaha hadalka ee la xiriira ereyada af-soomaaliga.

1. Magacyada

Magacyadu waxay tilmaamaan dad, duunyo, shay, ra’yi, fal iwm sida: nin, ari, buug, figrad, maanta, bixid iwm. Haseyeeshe waxaa loo sii kooxeeyaa iyaga oo laga eegayo qaar ka mid ah astaamahooda la xiriira micnahooda, madaama astaamahaasi ay muujinayaan qaabab sarfeed iyo weereed oo kala duwan. Magacyadu waxay la socon karaan cayimayaal (determiners), kuwaasoo dib loogu lifaaqo magacyada, sida aan ku arki doonno bogagga soo socda.

1.1 Qaybaha magacyada

Guud ahaan magacyadu waxay u kala baxaan:

a. Magacyo gaar ah, kuwaasoo lagu aqoonsado qof ama shey gaar ah, sida:

Cali, Maryam, Moqdisho iwm.

b. Magacyo guud, kuwaasoo ah macgacyo aan cidna u gaar ahayn, sida:

geed, nin magaalo, duqnimo iwm, waxaana lagu lifaaqi karaa cayimayaal, waxaana laga dhigi karaa wadar.

Magacyada guud laba qaybood ayaa loo sii kala saaraa:

magacyo cillanaad oo ay tilmaamayaan wax shanteenna dareemayaal aanu dareemi karin sida: ra’yi, ceeb, run, jacayl, dadnimo iwm.

magacyo caadyaal ah oo tilmaamayaan wax nool ama shay la arki karo oo la taaban karo sida: nin, guri, ari, geed iwm.

Magacyada caadyaalka ahi waxay u sii kala baxaan laba qaybood:

- Magacyo tirsama oo ah magacyo tilmaamaya dad ama shay la tirin karo, sidaa darteed magacyadaas qaab wadareed ayay lahaan karaan. Tus.:

buug, guri, nin iwm.

afar buug ayaan akhriyey.

buugag baan kuu soo iibiyey.

- Magacyo aan tirsamin waa magacyo tilmaamaya wax aan la tirin karin sida: sonkor, biyo, caano, ciid iwm, sidaa darteed suurtaggal ma ah in aan niraahno:* hal sonkor, * laba caano, *afar ciid iwm. Tus.:

*labo biyo ayaan rabaa (waa qalad)

biyo badan ayaan rabaa (waa sax).

Arrirtan ayaa ugu wacan in ereyadani aanay lahaan karin qaab wadareed. Waxaa kaloo ka mid ah magacyada aan tirsamin magacyo kale oo aan tilmaamaynin qof ama neef xayawaan ah oo keliya, laakiinsee tilmaamaya koox dad ama duunyo ah, oo loo arkayo sidii wax midaysan ama urur ah, sidaa darteed lama raacsin karo tiro wadareed, magacyadaasna waxaa lagu magacaabaa magacyo urur, waxaana ka mid ah: dad, dumar, ari, ido, caruur, geel iwm.Tus.:

*afar dad ayaan arkay (qalad)

dad badan ayaan arkay (sax)

Sida muuqata magacyadan lama raacsiin karo tiro wadareed, waxaase la raacsiin karaa oo keliya ereyga “badan”, sidaa darteed waxay qayb ka yihiin magacyada aan tirsamin, haseyeeshee qaab ahaan magacyadan waa la wadarayn karaa iyagoo lagu lifaaqayo dibkabe wadareed oo iyaga u gaar ah (–yaw), sida: dadyaw, geelyaw oo loola jeedo dad badan, geel badan.

1.2 Astaamaha guud ee magacyada

a. Caynta: lab iyo dheddig

Caynta magaca, gaar ahaan marka aan qodob raacsanayn, waxaa lagu gartaa codkaca iyo dhammaad yara kala duwan ee ay leeyihiin magacyada qaarkood, dib baanse uga faalloon doonnaa arrintaas.

Magacyada labeed

Waxaa ka mid ah: nin(ka), ari(ga), miis(ka), gabay(ga), fal(ka) iwm.

Magacyada labeed waxaa lagu aqoonsadaa codkaca (tone) oo ku dhaca shaqalka ka horreeyo midka ugu dambeeya, magacyada dheddigna shaqalka ugu dambeeya ayaa codkacu ku dhacaa. Sidaa darteed aad ayay u badanyihiin magacyada mataanaha ah, oo kala duwanaanta codkacooda uun lagu kala sari karo micnaha kala duwan ee ay kala leeyihiin labada magac oo lab iyo dheddig kala ah sida kuwa soo socda:

L

Ínan (ka)

ceesáan (ka)

dálab (ka)

shílin (ka)

Dh

inán (ta)

ceesaán (ta)

daláb (ta)

shilín (ta)

Si loo kala saaro caynta magacyada mataanaha ee hal alanlaha ah, yacnii hal shaqal oo keliya leh, waxaa jira hab codayn kale oo lagu kala saaro, waa nooc kale oo shaqalka loogu dhawaaqo: mid culus iyo mid fudud. Bal isku daya in dhawaaq ahaan aad ku kala saartaan caynta ereyadan mataanaha ah:

L (shaqal culus)

ur (ka)

gar (ka)

dul (ka)

tuur (ka)

fool (ka)

Dh (shaqal fudud)

ur (ta)

gar (ta)

dul (sha)

tuur (ta)

fool (sha)

Magacyada dheddigeed

Waxaa ka mid ah: naag(ta), bad(da), beer(ta), cunid(da). Waxaa kaloo dheddig ah magacyada ku dhamaada -o ama -i intooda badan, sida: dhalo(da), aragti(da), bari(da), xero(da), jago(da), mindi(da) iwm.

b. Tirada: keli iyo wadar

Magacyada kelida ah malaha qaab ama lifaaqyo gaar ah, waxayna tilmaamaan dad, duunyo, shay iyo fal, sida: guri, gacan, dal, dhagax, nin, rati, qarin iwm.

Si magacyada looga dhigo wadar waxaa jira xeerar kala duwan oo ay kala leeyihiin magacyada labka iyo kuwa dheddigga.

Magacyada labka ee kelida ah

Waxay ku wadaroobaan dibkabayaal kala duwan:

- Magacyada hal alanlaha ah waxay ku wadaroobaan dibkabaha - shibbanaha ugu dambeeya ee magaca.Tus.:

dal(ka) > dalal(ka),

af(ka) > afaf(ka),

miis(ka) > miisas(ka)

- Magacyada ka kooban in ka badan hal alan intooda badani waxay ku wadaroobbaan dibkabaha -o, cayntooduna dheddig ayay isu rogtaa. Intaa waxaa sii dheer in dibkabuhu siyaabo kala duwan uu ugu lifaaqmo ereyga:

Haddii magac lab oo kelida ah uu ku dhammaado: b, d, n, l, r, waxaa labalaabma shibbanaha ugu dambeeya, cayntiisuna dheddig ayay isu beddeshaa. Tus.:

sacab(ka) > sacabbo(da),

wadaad(ka) > wadaaddo(da)

Haddii magacu uu ku dhammaado: s, q, c, f, x, i waxaa -o wadareedda iyo xarfaha ku dhammaado ereyga la dhex dhigaa xarafkan -y-. Tus.:

dugsi(ga) > dugsiyo(da),

magac(a) > magacyo(da)

Qaar ka mid ah magacyada laba alanllaha ah oo ku wadarooba -o waxay lumiyaan shaqalka 2aad, sidoodii hore ayayna laba alanle u ahaanayaan, cayntuna isma beddesho. Tus.:

jilib(ka) > jilbo(ha),

garab(ka) > garbo(ha),

ilig(ga) > ilko(ha)

- Magacyada ku dhammaada -e waxay ku wadaroobaan dibkabaha -yaal, cayntuna dheddig ayay noqotaa. Tus.:

bare(ha) > barayaal(sha),

aabbe(ha) > aabbayaal(sha)

- Waxaa jira magacyo labeed oo ay ku wadaroobaan marka codkaca loo durkiyo xagga shaqalka 2aad, cayntuna dheddig ayay noqotaa. Tus.:

dibi(ga) > dibi(da)

carab(ka) > carab(ta)

- Qaar ka mid ah magacyada ka soo jeeda af carbeedka waxay ku wadaroobaan qaab wadareedka af carbeedka. Tus.:

darsi(ga) > duruus(ta)

macallin(ka) > macallimiin(ta)

Magacyada dheddig ee kelida ah

Magacyada dheddig waxay ku wadaroobaan hababka soo socda:

- Xitaa magacyada dheddigga ahi dibkabaha -o ayay ku wadaroobaan, cayntuna lab ayay noqotaa. Tus.:

kab(ta) > kabo(ha)

bad(da) > bado(ha)

habar(ta) > habro (ha)

gacan(ta) > gacmo(ha)

- Magacyada dheddig ee kelida ah oo ku dhammaada -i waxay ku wadaroobaan dibkabaha -yo, cayntooduna lab ayay isu rogtaa. Tus.:

mindi (da) mindiyo (ha),

shini (da) shiniyo (ha)

dhaxeeya waa la xadfaa, sidaasaana ereyga ku noqda saddex alalanle, wuxuu dib ugu noqonayaa laba alanlennimadii hore.

2 Labada erey ee ugu dambeeya waxaaloo adeegsaday xeerka ku xusan tixraaca hoose ee hore.

- Magacyada dheddig ee kelida ah oo ku dhammaada -o waxay ku wadaroobaan dibkabaha -oyin, waxayna isu beddelaan magacyo lab. Tus.:

waddo(da) > waddooyin(ka),

daawo(da) > daawooyin(ka)

2. Cayimayaasha (determiners)

Cayimayaashu waa koox u qaybsan afar qaybood markii laga eego xagga waxqabadkooda micneed, yacnii kala qaybintoodu waxay la xiriirtaa nooca xogwarran ee ay ku biirinayaan hadba magaca dibkabe ahaan loogu lifaaqayo. Waxayna u kala baxaan: qodobo, tilmaameyaal, weyddiimo iyo lahaansho. Giddigoodu waxay leeyihiin: qaab labeed oo ku bilaabanaya xarafka -k iyo qaab dheddigeed oo ka bilaabanaya -t, waxayna waafaqaan hadba caynta magaca ay ku lifaaqmayaan. Cayimayaashu marna ma wadaroobaan xataa haddii magaca ay ku lifaaqanyihiin uu yahay wadar.

2.1 Qodobbada

Qodobka oo dowrkiisu yahay in uu cayimo magaca laga hadlayo ayaa afaf badani u adeegsadaan laba qaab: qodob wax cayima iyo qodob aan wax cayimin. Af-soomaaliguse wuxuu leeyahay midka wax cayima oo keliya, sida af carbeedka. Taasi waxay la micna tahay in magaca aanu raacsanayn qodob uu yahay wax aan cayinnayn ama aan la aqoonin. Tus.:

Nin baa yimid (halkan qofka laga hadlayo lama yaqaan)

Ninka ayaa yimid (halkanse waa la yaqaannaa)

Qodobka soomaaliyeed qaabab kala duwan ayuu leeyahay: -ka iyo -kii oo ay raacaan magaca labeed iyo -ta iyo -tii oo ay raacaan magaca dheddigeed. Haddii lagahadluhu uu ka fogyahay qofka hadlaya ama uu yahay wax mar hore laga hadlay waxaa loo adeegsadaa -kii/-tii, laakiin -ka iyo -ta kuma xirna labadaa arrimood ee hore.

Qaabka qodobku wuu isbeddelaa, waxuuna ku xiranyahay hadba sida uu yahay dhammaaka magaca lagu lifaaqayo

3 Xeerarka aan halkan ku soo bandhigaynaa waxaa la wadaaga cayimayaasha kale ee ka bilaabma -k iyo -t.

Qodobka -ka wuxuu isu beddelaa: -ha, -ga, -a. Xaaladaha keena isbeddelladaasina waa kuwan:

qodobka -ka wuxuu isu beddelaa -ha markuu raaco magac ku dhammaada shaqalka -e ama –o. Tus.:

kabo + ka = kabaha,

qore + ka = qoraha

- -k waxay noqotaa -g marka ay raacdo magac labeed oo ku dhammaada: -g, -w, -aa, -u, -y ama –i. Tus.:

buug + ka = buugga, erey + ka = ereyga,

guri + ka = guriga, dhurwaa +ka = dhurwaaga

hu + ka = huga, qabow + ka = qabowga

- -k waxay noqotaa -a marka ay raacdo magac labeed oo ku dhammaada: -h, -x, -q, -c, -kh. Tus.:

madax + ka = madaxa, rah + ka =raha,

magac + ka = magaca, diiq + ka = diiqa,

tookh + ka = tookha.

Qodob dheddigeedka -ta isna wuxuu isu beddelaa: -da ama -sha.

- -t waxay noqotaa -d marka ay raacdo magac ku dhammaada shaqalka -o ama -d, -c, -x, -h, -y, hamsa (‘). Tus.:

maro + ta = marada , bad + ta = badda,

qodax + ta = qodaxda, bac + ta = bacda,

gallay + ta = gallayda bu’ + ta = bu’da

- -t waxay noqotaa -sh marka ay raacdo magac ku dhammaada –l. Tus.:

ul + ta = usha il + ta = isha

bil +ta = bisha dhal + ta = dhasha

2.2 Dibkabayaasha tilmaamayaasha

Tilmaamayaasha, sida qodobbada, ayaa magaca gadaal looga lifaaqaa, tiradooduna waa saddex, kala duwanaantoodu waxay la xiriirtaa masaafada u dhexaysa hadlaha iyo waxa uu tilmaamayo. Masafadaas saddex meelood ayaa loo kala saaraa:

cayndhawaandurugsanbaallayn
Lab-kan-kas-keer
Dheddig-tan-tas-teer

Tilmaamyaashu waxay raacaan xeerarka isbeddel-codeeka ee aan ku soo xusnay qaybta qodobbada, sida laga dareemaayo tusaalayaashan. Tus.:

Ninkan ayaa iska leh baabuurka

Gabdhahaas ayaa u socda dugsiga

Wiilkeer baa arday ah

2.3 Dibkabayaasha lahaanshaha

Xitaa dibkabayaasha lahaansha waxay u kala baxaan lab iyo dheddig, waxayna muujiyaan waxa uu milkiiluhu leeyahay:

qofkalabdheddig
-kayga-tayda
-kaada-taada
3° l-kiisa-tiisa
3° dh-keeda-teeda
1° w.so-kaayaga-taayada
1° w.mi-keenna-teenna
2° w-kiinna-tiinna
3° w-kooda-tooda

Qaababkan lahaansho waxay ka koobanyihiin laba shay: dibkabe lahaansho iyo qodob, sida dibkabaha kayga oo ka soo jeeda kay + ka.

Xitaa dibkabayaasha lahaanshahu waxay ku billaabmaan -k kuwooda labka ahi, kuwa dheddigga ahina -t, sidaa darteed waxy raacaan xeerarkii isqabadyada ee aan kor ku soo xusnay. Tus.:

buuggayga < buug + kayga

ardaydiisa < arday + tiisa

dalkeenna <dal + keenna

ushiinna <ul + tiinna

Ishiisa lagu arke

Ushiisa lagu dilaa

2.4 Dibkabayaasha weyddiinta

Waxaa loo adeegsadaa marka la weyddiinayo in la ogaado magaca qofka yeelaha ama layeelaha ah. Dibkabaha –kee labka ayuu u gaar yahay, -tee na dheddigga. Tus.:

dalkee < dal + kee

meeshee < meel + tee

saacaddee < saacad + tee

Buuggee baad akhrisay?

Ninkee baa yimid?

3. Magacuyaallada

Magacuyaalladu dhowr siyood ayay u kala baxaan.Waxaan ka hadalkooda ku billaabaynaa magacuyaallada qofeed oo ay u kala baxaan: magacuyaallo qofeed ee ebyoon iyo magacuyaallo qofeed ee dhimman.

3.1 Magacuyaallo qofeed ee ebyoon

Waxay matalayaan magacyada, weerta gudaheeda waxay ka qabtaan kaalinta yeelaha iyo layeelaha, waxayna yeelan karaan weer faahfaahineed (relative phrase) iwm. Tus.:

Iyadu dugsiga ayay aadday (yeele)

Cali iyada buu la hadlay (layeele)

Iyada oo caraysan baa timid

Anigu iyada oo taagan baan arkay

Inta badan waxaa ku lifaaqan qodobka -ka/-ta, sida aniga (ani + ka), mararka qaarkoodna qodob la’aan ayay ahaan karaan, gaar ahaan marka lagu lifaaqayo xiriiriyaha -na ama diiradeeyaha baa/ayaa. Tus.:

adiga < adi + ka

adna < adi + na

adigàa < adi + ka + baa

adàa < adi + baa

Magacuyaallada qofeed ee abyoon waxay ka koobanyihiin 8 qaab:

1° ke. ani-ga

2° ke. adi-ga

3° ke.l isa-ga

3° ke.dh iya-da

1° w.so anna-ga

1° w.mi inna-ga

2° w idin-ka

3° w iya-ga

4 Si loo muujiyo qaabka kooban ee magacuyaalka waxaa gaar looga bixiyey qodobka. Midda kale ereyga so (soocan) waxaa loola jeedaa in qaabka aan/aannu la adeegsado marka lala hadluhu uusan ka mid ahayn yeelayaasha, ereyga kale mi (mideeya) isna wuxuu tilmaamayaa in ereyga aynu la adeegsado marka lala hadlaha uu ka mid yahay yeelayaasha.

3.2 Magacuyaallada qofeed ee dhimman

Waa qayb gaar ah, maxaayeelay ma geli karaan kaalinta magaca, sida aan ku aragnay magacuyaallada abyoon. Waxaana shardi ah in lagu meeleeyo falka hortiisa oo keli ah, halkaasoo ah rugtaa koox faleedka (horyaallada, magacuyaallada dhimman iyo qurubyo kale), kuwaasoo isku dhafma. Tus.:

Wiilkaas baa i arkay

Wiilkaas baa igu arkay xafiiska (igu <i +ku)

Arrintan mar hore ayaan kaaga digay (ka+u+ka)

War cusub buu noola yimid (na+u+la)

Magcuyaallada dhimman laba qaybood ayay u kala baxaan, waxayna ku kala duwanyihiin xagga kaalinta ay ka kala qabtaan weerta gudaheeda. Qayb kaalintoodu marwaliba waa yeele, qaybta kalena waa layeele.

a. Magacuyaallada dhimman ee yeelaha ah waa kuwan:

1° ke. aan

2° ke. aad

3° ke.l uu

3° ke.dh ay

1° w.so aan / aannu

1° w.mi aynu

2° w aad / aydin

3° w ay

Tus.:

Macallinka aad aragtay waa taariikhyahan

Halka ay Maryan ku sugantahay baan (baa + aan) aqaanaa

Waxaynu rajaynaynaa in maamulahu uu dhakhsi ku yimaado

b. Magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah iyaguna markooda laba qayb ayay u kala baxaan:

Kuwan hore ayaana adeegsigoodu badanyahay:

1° ke. I

2° ke. Ku

1° w.so Na

1° w.mi Ina

2° w Idin

3°ke.l/3°w Ø (ma laha)

Tus.:

Way idin arkeen

Waad na hagaajisay

Muxuu ku baray macallinku?

Sida muuqata qofka 3° ee kelida ama wadarta ah ma laha qaabka magacuyaalka dhimman ee layeelaha ah, haddaba maqnaashihiisa waxaa loo fasirtaa in uu yahay qofka 3°, qofka falka leh waxaa laga garan karaa waxa laga hadlayo (context), sida weertan oo kale: way keeneen, yeeluhu wxuu noqon karaa wadar lab ama dheddig ama waxyaabo aan nooleen.

Kuwa kalena waa kuwan:

1° ke. kay

2° ke. kaa

1° w.so kayo

1° w.mi keen

2° w kiin

3° ke.l/3° w Ø (ma laha)

Magacuyaalladan waxaa la adeegsadaa markii barta koox faleedyada ay ku wada kulmaan laba magacuyaal dhimman.Tus.:

Wuu iga kaa weyddiiyay

Aan isku kiin sheego

3.3 Koox kale oo ka mid ah magacuyaallada ebyoon

Qaababka cayimayaasha (yacnii dibkabayaasha tilmaamaha, lahaanshaha iyo weyddiimaha ee kor ku xusan) oo lagu lifaaqo magacyada, waxaa loo adeegsan karaa si madaxbannaan, yacnii magacuyaal ebyoon ayay yihiin. Magacuyaalladan waxay kaloo cayimayaasha uga duwanyihiin in ay leeyihiin qaab wadareed oo aan u kala soocnayn lab iyo dheddig iyo arrima kale oo aan mid mid u arki doonna:

a. Magacuyaallo tilmaame

Magacuyaalladan laba arrimood ayay uga duwanyihiin dibkabayaasha tilmaame. Waxay leeyihiin qaab wadareed iyo qaab 4° oo aan lahayn dibkabayaasha tilmaame oo tilmaamaya wax meel shishe yaalla.

cayndhawaandurugsanbaallaynshishayn
labkan/kakaas/kankeerkoo
dheddigtan/tataas/tanteertoo
wadar = l. & dh.kuwankuwaaskuweerkuwoo

Tus.:

Kuwaas baa ka yimid dibadda

Keer yimid maanta waa walaalkay

Waa tan mucallimadda cusub

Kani waa walaalkay

b. Magacuyaallo lahaansho

Xitaa magacuyaallada lahaansho waxay u kala baxaan lab iyo dheddig, waxayna leeyihiin qaab wadareed cayntiisu aanay u kala soocnayn lab iyo dheddig.

qoflabdheddigwadar
kaygataydakuwayga
kaadataadakuwaaga
3° lkiisatiisakuwiisa
3° dhkeedateedakuweeda
1° w.sokaayagataayadakuwayaga
1° w.mikeennateennakuweenna
2° wkiinnatiinnakuwiinna
3° wkoodatoodakuwooda

Tus.:

Haddaadan baabuur wadanin kayga qaado

Ardadiinna kuwayaga ayaa ka firfircoon

Wallee ina ragow tala adduun taada uun ma aha

c. Magacuyaallo aan cayinayn

Magacuyaalladan waxay tilmaamaan qof ama wax aan cayinayn oo magaciisa aan la aqoon, waxayna noqon karaan yeele ama la yeele, waxayna leeyihiin qaab wadareed.

Xitaa qodobka kii/tii waxa loo adeegsan karaa magacuyaal ahaan marka la doonaayo in la qariyo qof magaciisa.

labdheddigwadar
kutukuwo
kootookuwo
kiitiikuwii
midmidkuwo

Tus.:

Tu aan la aqoon baa timid

Mid baan halkaas ku arkay

Ku aan la aqoonin ayaan halkaas ku arkay

Kuwo dibadda ka yimid ayaan ka maqlay

Kii baa yimid

d. Magacuyaallo weyddiimeed

Magacuyaallada soo socda waxaa la adeegsadaa oo keliya marka la doonayo in la ogaado qof ama shey magaciisa kaasoo yeele ama layeele noqon kara:

labdheddigwadar
keeteekuwee
kumatumakuwama
yaayaakuwee

Tus.:

Kee baa kula quman?

Waa tuma midda soo socota?

Yaa kuu sheegay warkan?

Kuwee baa kula fiican?

Tumaad aragtay

4. Falalka

Waxaanu halkaan ku soo koobaynaa sifaynta sarfaha hodanka ah ee falalka af-somaaliga, ha ahaato xagga isrogrogga iyo xagga farcamidda. Dhismaha aasaasiga ee qaababka falalka af-soomaaliga intooda badani waa sidatan:

IIIIIIIV
Salka ereygaSalkordhiyeQofIsrog.(amminka)

I - Salka ereyga

Waa unugga matilaya micnaha ereyga. Waxaana ka mid ah falalka sida: cun, qor, xir, dil iwm. Dhammaan sal-faleedyada fal-gudbayaasha iyo fal-magudbayaasha ee aan lahayn lifaaqyo (yacnii dibkabe la’aan ah) waxay ka mid yihiin kooxda isrogrogga 1°.

Sida aan dib ugu arki doonno xitaa salka ereyga wuxuu noqon karaa mid ka kooban sal iyo dibkabe, sida falalka asalkoodu ka soo jeedo magac: duq, carro iwm oo markii lagu lifaaqo dibkabaha -ow ay noqonayaan falal. Tus.:

Duqow < duq + ow

Carrow < carro + ow

micnihii magacyadan waxaa loo rogay micna aan kii hore ka duwanayn, laakiin leh qaab faleed.

II - Salkordhiye

Waa wax markii lagu lifaaqo salka uu ereyga ku kordhiyo micna dheeraad ah, isagoo beddelaya xataa tirada kaqaybgalayaasha hawsha, sida aan ka dareemayno weertan:

Koobku waa jabay

Weertani waxay leedahay hal magac oo yeele ah, falkuna waa fal-magudbe, weerta:

Maryan koobka way jabisay

waxaa ku jira labo magac oo kala ah yeele iyo layeele, falkuna markan waa fal-gudbe. Haddaba sal-faleedka jab oo ah fal-magudbe ka tirsan kooxda isrogrogga 1° waxaa lagu kabay salballaariyaha -is oo ka dhigay fal-gudbe oo ka tirsan kooxda isrogrogga 2°.

III - Qof

Waa shayga muujinaya iswaafajinta falka iyo qofka ah falaha weerta:

(Iyadu) way cuntay [ cun ] [ t ] [ ay ]

sal waaf. qf 3°dh isrog. tagto

(Annagu) waan cunnay [ cun ] [ n ] [ ay ]

sal waaf. qf 1°w isrog. tagto

(Isagu) wuu cunay [ cun ] Ø [ ay ]

sal waaf. qf 3°ke isrog. tagto

IV - Isrogrogga

Isrogroggu waa shayga muujinaya falka amminkiisa (tense), muuqaalkiisa (aspect) iyo habkiisa (mood). Iskudhafka lifaaqa iswaafajiyaha qofka iyo amminku wuxuu soo saaraa 5 qaab oo kala duwan, laakiin waxaa loo adeegsadaa 8 nooc magacuyaal oo kala duwan. Arrintaasna waxaa tusaale ahaan aan ka arkaynaa falka cun isrogroggiisa amminka joogtada iyo tagtada ah:

qofkatagtojoogto
1 ke(waan) cun – Ø – aycun – Ø – aa
2 ke(waad) cun – t – aycun – t – aa
3 ke. l(wuu) cun – Ø – aycun – Ø – aa
3 ke. dh(way) cun – t – aycun – t – aa
1 w. so(waan) cun – n – aycun – n – aa
1 w. mi(waynu) cun – n – aycun – n – aa
2 w(waad) cun – t – eencun – t – aan
2 w(way) cun – Ø – eencun – Ø – aan

Sida muuqata waa eber (Ø) lifaaqa qof qofka 1°ke, 3°ke.l; 3°w; lifaaqan -t- wuxuu u gaar yahay qofka 2°ke, 3°ke.dh, 2°w; lifaaqan -n- isna waxaa u gaar yahay qofka 1°w. Lifaaqyadan waxaa lagu sii lifaaqaa dibkabaha isrogrogga falka tagtada oo ah -ay ama -een, marka falku uu yahay joogtana waxaa lagu lifaaqaa -aa/-aan. Dabcan, isrogrogyada noocyadoodu way badanyihiin oo kuma eka oo keliya midka la xiriira amminka aan tusaale ahaan kor ku soo muujinnay, laakiin waxaa jira kuwa kale oo la xiriira muuqaalka (aspect), habka (mood) iyo xataa marka falku yahay qaab diidmo ah (tusaalooyinka la xiriira isrogroyadan waxaa laga helayaa shaxda isrogrogga falalka).

Isrogrogga Falalka

Guud ahaan waxaa jira afar siyood oo falalaka soomaaliyeed ay isu rogrogaan. Si hogatus ah ayaan halkan ugu soo bandhigaynaa sida afarta qaab isrogrog (conugasion) ee fal-saleedyadu ay uga dhex muuqdaan ereyada qaamuuska. Afartaa hab isrogrog sharraxaaddooda oo koobani waxay ku xusanyihiin qaybta “Naxwaha af-soomaaliga oo kooban” oo ku qoran xagga dambe ee qaamuuska, waxaa kaloo halkaas lifaaq ahaan ugu qoran dhowr shaxan iyo tusaalooyin oo faahfaahinaya afarta hab ee isrogrogga falka oo kaamil ah.

Isrogrogga 1aad:

Waxyaabaha u gaarka ah qaabka isrogrogga I:

  1. Qaabkan waxaa ka tirsan falalka qaabkooda fal amar ee kelida ah oo aan lahayn dibkabe isrogroga.
  2. Dibkabaha tagtada qofka 3e ee kelida ah: -ay (l.), –tay/-day (dh.)
  3. Dibkabaha masdarka (infinitive) –i
Tusaale:
  • cun f.g1 (-nay, -ntay)
    1. Cun!
    2. cunay, cuntay
    3. cuni (doonaa)
  • qor f.g1 (-ay, -rtay)
    1. Qor!
    2. qoray, qortay
    3. qori (doonaa)

Waxaa kaloo ka mid ah qaybta isrogrogga 1o falal farcame oo qaababkooda amareed leh dibkabeyaal, sida kuwa soo socda.

  • gabow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
    1. gabow
    2. gaboobay, gabowday
    3. gaboobi
  • xiran f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)
    1. xiran
    2. xirmay, xirantay
    3. xirmi (doonaa)
  • bari f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi)
    1. bari
    2. bariyay, bariday
    3. baryi (doonaa)

Waxaa qaamuuska laga dhax arkaa falalka qaarkood, halka ku cad yahay isrogroga, la raacsiiyey qaabka uu ku dhammado masdarka oo wax yar ka beddelan sida caadiga ah, arrintaasna waxay u gaar tahay falalka farcame ee aan kor ku soo xusnay oo kala ah saddexdan kooxood: a) (-oobay, -owday; -oobi), b) (-rmay, -rantay; -rmi) iyo c) (-ryay, -riday; -ryi). Waxaa qaabka kooxdaan la wadaaga qaar ka mid ah falka caadiga ee Isrogrogga 1o, waxaana ugu wacan isa saamaynta shaqallada (vowel harmony) oo keena isbeddel., falalkaas waxaa ka mid ah falka:

dhac (-cay, -cday; dhici)
Tus. Wax baa dhici doona

Isrogrogga 2aad:

  1. Qaabka fal amarku wuxuu ku dhamaadaa –i, ama -ee
  2. Tagto qf. 3e ke.: -yay (l.), –say (dh)
  3. Masdarka: –in, –eyn
Tusaale:
  • kari f.g.2 (-iyay, -isay)
    1. kari!
    2. kariyay, karisay
    3. karin (doonaa)
  • jidee f.g.2 (-eeyay, -eeyay)
    1. jidee!
    2. jideeyay, jideysay
    3. jideyn (doonaa)

Isrogrogga 3aad:

Astaamaha u gaarka ah isrogroggan:

  1. Qaabka fal amarku wuxuu ku dhamaadaa –o, –so, –ow
  2. Tagto qf. 3e ke.: -tay/-day (l.), –atay (dh)
  3. Masdarka: –an (-san, -on)
Tusaale:
  1. baro f.g.3 (-rtay, -ratay)
    1. baro!
    2. bartay, baratay
    3. baran (doonaa)
  2. baxso f.g.3 (-saday, -satay)
    1. baxso!
    2. baxsaday, baxsatay
    3. baxsan
  3. adkow f.mg3 (-kaaday, -kaatay)
    1. adkow!
    2. adkaaday, adkaatay
    3. adkaan (doonaa)
  4. caroo f.mg3 (-ooday, -ootay)
    1. caroo!
    2. carooday, carootay
    3. caroon (doonaa)

Isrogrogga 4aad:

  1. Falalka ka tirsan kooxdan lama adeegsado fal amarkooda maadaama ay yihiin fal ahaansho ama fal sifo, laakiin qaab ahaan waxaan ka dhignay sida kuwa kale ee badan. Laba koox ayaynu u kala baxaan: koox aan lahayn dibkabe, sida dheer, weyn, og iwm. iyo koox dibkabe leh, kuwaasoo laba cayn kala ah: a) fal+an, sida: xiran, shidan iwm., b) magac+san, sida: jabsan, quruxsan iwm.).
  2. Tagto qf. 3e ke.: -aa (l.), -ayd (dh)
  3. Masdarka: –aan
Tusaale:
  1. dheer f.mg4 (-raa, -rayd)
    1. dheer
    2. dheeraa, dheerayd
    3. dheeraan (doona)
  2. furanf.mg4 (-rnaa, -rnayd)
    1. furan
    2. furnaa, furnayd
    3. furnaan (doona)
  3. jabsanf.mg4 (-naa, -nayd)
    1. jabsan
    2. jabsanaa, jabsanayd
    3. jabsanaan (dh)

4.2 Kooxaynta falalka

Af-soomaaliga, isagoo laga eegayo xagga isrogrogga, waxaa la ogaadey in falalku ay u kala baxaan laba qayb sarfeed: a) qayb aad u tira badan oo leh dibkabeyaal, b) iyo qayb sooyaal ah oo si gaar ah ay u leeyihiin sarfe horkabe iyo dibkabe ah, qaybtaan waxaa ka mid ah falka yahay oo marka uu yahay tagto u dhaqma sida falalka dibkabayaasha leh, marka uu joogto yahayna wuxuu noqdaa fal dibkabe ah

a. Kooxda 1°: falalka dibkabayaasha leh (Isrogroggooda)

Falalka kooxdan 1° oo sarfahoodu aanu fududayn waxay ka koobanyihiin 4 nooc isrogrog oo kala duwan.

Isrogrogga 1°

Isrogroggani waxaa u gaar falalka aan salkoodu lahayn lifaaqyo, ha ahaadeen fal-gudbe (cun, qor, xir...) ama fal-magudbe (tag, jab, kar…). Tus.:

Cali baa cunay tufaaxa

Gabadha ayaa qortay warqaddan

Koobku wuu jabay

Nimanku way tageen

Isrogroggan koowaad waxaa kaloo ka mid ah xitaa falal sal ballaariye wata, saddex qayb ayayna u kala baxaan:

- Qaybta 1° waa fal-magudbayaal oo ka yimaadeen:

magac + ow

baraf + ow = barafow (tus.Biyuhu way barafoobeen)

nacas + ow = nacasow

- Qaybta 2° waxay ka koobantahay fal (-gudbe-sababeeye) + am. Lifaaqan wuxuu weerta ka dhigaa yeele-laawe (passive), falkuna waa fal-magudbe.

F + -am

xir + -am (tus.: Albaabku waa xirmay)

- Qaybta 3° waa falalka ku dhammaada -i , kuwaasoo u dhaqma qaabka isrogrogga 1° iyo midka II°ba, sida falka badi oo labada siyoodba loo adeegsan karo:

-iyay -iday badiyid (1° isrog.)

Tus.: Kooxdan ayaa badiday

badi

-yay -isay badin (2° isrog.)

Tus.: Kooxdan ayaa badisay

Isrogrogga 2°

Isrogroggani waxaa uu gaar u yahay falalka asalkoodu ka yimid falal kale oo lagu lifaaqay dibkabe.

- F + -is (lifaaq sababeed)

kar (f.mg) Shaahu wuu karay

kar + is = karis (f.g) Ubax shaah bay karisay

jab (f.mg) Dhaladu way jabtay

jab + is = jabis (f.g) Caasha dhalada ayay jebisay

- N + -ée/ -ayn

sun + -ée = sumee Yaa cuntada sumeeyey?

qado + ayn = qadayn Xageed ka qadayn rabtaa?

run + ayn = rumayn Wax la rumayn karo ma aha

cidlo + -ée = cidlee Maxay guriga u cidleeyeen?

- Falalka isrogrogga 4°+ -ée

adag + -ée =adkée Aad ayay u adkeeyeen imtixaanka

yar + ee = yaree Intaa ka badan lama yareeyn karo

Isrogrogga 3°

Kuwa isrogroggan raacsan waxaa ka mid ah falal farcame oo leh lifaaqa –at oo falka ku soo kordhiya micne wax samaysasho.

- F + -at

qaado + at = qaadad Lacag ayuu qaatay (qaadtay = qaattay)

guuris + at = guursad Cali gabar buu guursaday

yarow + at = yaraad Biyuhu way yaraadeen

- M + -at

geeri + at = geriyood Xagguu ku geeriyooday ninku?

gaajo + at = gaajood Aad baan u gaajooday

Isrogrogga 4°

Kuwa isrogroggan raacsani waa falal gaar ah oo badankuudu ay leeyihiin micno aan ka fogayn sifada (adjective), haseyeeshe markii laga eego xagga sarfaha iyo weereyntaba waxay u dhaqmaan sida falka, waxayna marwalba ay ku lifaaqanyihiin falka ahaw, sidaa awgeed waxaa lagu magacaabaa “fal sifo”, oo Andrzejewski-na uu ku magacaabay “hybrid verbs”.

Falal sifo laba qaybood ayay u kala baxaan: a) fal saleedyo ama fal sifo oo asal ah ( oo dadka qaarkood ay ku tiriyaan inay yihiin sifooyin), sida: cad, yar, weyn, dheer, adag, leh, jecel, macaan, og, la’, oggol, cusub, iwm. b) fal sifo kuwa ugu badan oo ka soojeeda falal kale ama magacyo iyagoo lagu kabay lifaaqyada -an / -oon.

- F (fal saleed): adag, yar, weyn, og

adag Way adagtahay inuu yimaado maanta (adag + tahay)

yar Wiilku wuu ka yaraa gabadha. (yaraa < yar + ahaa)

weyn Anigu waan kaa weynahay (weynahay <weyn + ahay)

og Waan ogaa in aad dhooftay (ogaa < og + ahaa)

- F + -an

xir + -an = xiran

xafiisku wuu xiranyahay

Shalayna wuu xirnaa

- M + -oon

udug + -oon = udgoon

Catarkan aad buu u udgoonyahay

- M + -an

guduud + -an = guduudan

Qalinku wuu guduudanyahay

b. Kooxda 2°: falalka horkabeyaasha leh

Kooxdan waxay ka koobantahay falal tiradoodu aad u koobantahay, haddana adeegsigoodu aad buu u badanyahay. Waxay leeyiihin lifaaqyo horkabe iyo dibkabeba ah oo isrogroga, waxayna isu rogrogaan qaabka ugu qaddiimsan ee luqadda. Kooxdan waxaa ugu muhimsan shantan fal ee hoos ku xusan: aqoo, aal, imow, dheh, ahaw. Tus.:

Waxaa nimid marka ay iyagu yimaadeen.

Qofka aad taqaanaa waan kula aqaanaa.

Anigu shalay ayaan imid, idinkuna goormaad timaaddeen?

Xaggay yaallaan buugaagtu.

Ma xasuusantahay waxa aan ku niri ?

Falka shanaad oo ah ahaw wuxuu horkabe leeyahay amminka joogtada oo keli ah. Tus.:

Waxaad tahay nin wanaagsan

5. Qurubyada (particles)

Qaybtan waxaa lagu qaadaadhigayaa qurubyo aan isbeddelayn oo weerta gudaheeda ka kala ciyaara kaalimo kala duwan, waxayna kala yihiin: horyaalayaasha, xiriiriyeyaasha, qurub diiradeedyada, iyo qurubyo cayima nooca ay weertu tahay.

5.1 Horyaalayaasha (prepositions)

Waa qurubyo bartoodu tahay falka ka hore (halkaasoo ay ku lifaaqmaan magacuyaallada dhimman oo layeelaha ah), waxay weerta gudaheeda ku hayaan magaca aan yeelaha ahayn, yacnii horyaalkaas la’aantiisa magacaas kama mid ahaan karo weerta. Horyaalayaashu waa afar: u, ku, ka, la. Sida soo socota ayayna u shaqeeyaan:

a. Ku iyo ka

waxay isku xiraan falka iyo meesha fakaasi uu ka dhacayo. Tus.:

Cali wuxuu ka shaqeeyaa warshadda

Xasan suuqa ayaan ku arkay

- Ka waxaa kaloo loo adeegsadaa meel ka imaansho. Tus.:

Nin baa Gaalkacyo ka yimi.

Sidoo kale mawduuc laga hadlayo ayaa loo adeegsadaa. Tus.:

Axmed taariikhdiisa ayuu ka hadlay

- Ku waxaa kaloo loo adeegsadaa wasiilo. Tus.:

Bariiska qaaddada ku cun!

b. U waa horyaale 4 siyood loo adeegsado:

- hadaf ama ulajeeddo ayuu la xiriiraa. Tus.:

Wiilku wax buu u danleeyahay?

- ama jiho. Tus.:

Aadan dibadda ayuu u dhoofay.

- ama cid u samafalid. Tus.:

Maryan, wiilka shaah u kari!

- ama hab. Tus.:

Si wanaagsan u habay!

Si fiicaan u akhri!

c. La waa layeele tilmaama la jirid ama wadajir. Tus.:

Cali aabihiis ayuu la joogay.

Horyaalayaasha rugtoodu waa falka hortiisa, magaca ay la shaqeeyaanna meel uma go’na. Haddii weer gudaheeda laga helo in ka badan hal horyaale waxay ku wada kulmaan falka hortiisa , mararka qaarkood waxaa dhici karta in magaca uu la xiriiro lagu wareero sidii loo fasiri lahaa, waxaa keliyah oo lagu kala saari karaa xaaladda (context), sida weertan:

Axmed baa odayga wiilka guriga ugu geeyey

(yaa la geeyey, yaana loo geeyey?)

Weertan kale ee fudud:

5 Iskudhafka horyaallada iyo magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah waxaad ka eegtaa shaxda hogatuska.

Axmed baa qaaday buugaagta.

Haddii aan ku darno cidda loo soo qaaday iyo meesha laga soo qaaday buugaagta waxaa soo baxaysaa weertan ballaaran:

Axmed baa Maryam uga qaaday buugaagta miiska.

Weertan waxay ka timid isku dhafka labadan weerood:

Axmed baa ka qaaday buugaagta miiska +

Axmed. baa u qaaday Maryam buugaagta

Horyaallada isku dhafan ama ku dhafan magacuyaallada layeelaha ah oo kaamil ah waxaad ka eegtaa shaxda horyaallada iyo magacuyaallada.

5.2 Xiriiriyeyaal

Qurubyadan hawshooda aasaasiga ahi waa xiriirinta ereyada ama weeraha. Xiriiriyeyaasha ugu muhimsan iyo waxa ay kala qabtaan waxaa ka mid ah:

iyo

Xiriiriyahani wuxuu isku xiraa magacyo, magacuyaallo iyo tirooyin. Tus.:

Cali iyo Maxamed waa walaalo

Aniga iyo adiguba waan aragnay

Labaatan iyo shan sano ayuu jiraa

na

Waxay isku xirtaa laba weerood, siiba marka ay kala leeyihiin yeele ama fal kala duwan, weerta labaad ereygeeda koobaad ayayna isku lifaaqdaa. Tus.:

Cali bariis buu cunay Jaamacna baasto

Guriga ayaan aadayaa waana seexanayaa

Waan tagayaa adiguna?

oo

Xiriiriyahan siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa, inta ugu muhimsanina waa kuwan:

- Iskuxiridda labo weer tebineed oo ebyoon ama labo weer amar. Tus.:

Awees waa wiil dheer oo cas

Geeddi oo dhowaan yimid baa keenay alaabta

Soo orodoo ii kalay!

- Iskuxiridda laba fal oo isku mar la qabtay. Tus.:

Anigoo soo socda baa Cali ii yeerey

ee

Xiriiriyahanna siyabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa:

- wuxuuna isku xiraa laba weerood. Tus.:

Amed ma seexan ee Ubax baa seexatay

Daah ha cunee

Aan seexannee, nalka naga dami!

- Waxaa kaloo loo adeegsadaa orah magaceed (nominal phrase) gudaheeda. Tus.:

Dukaanka dahabka ee Caasho ayaa dhow

-se

Waa xiriiriye lid oo isku naba weerta dambe ereygeeda koobaad sida aan ku soo aragnay –na. Tus.:

Faarax wuu tagay Geeddise wuu seexday

ama/mise

Labadan xiriiriye waxay isku xiraan labo erey ama labo weerood oo kala duwan. Mise weer weyddiimeed ayaa loo adeegsadaa, amana weer aan weddiin ahayn.Tus.:

Cali guriga ayuu jiraa ama shaqada

Yaad doonaysaa, Cabdullaahi mise Saciid?

laakiin/haseyeeshee

Labadan xiriiriye, inkastoo aan ahayn qurbyo, haddana hawshoodu kama duwana waxa ay qabtaan xiriiriyeyaasha kale, sida xiriiriyaha ee ayay u muujinayaa micno iska soo horjeeda. Tus.:

Calasow wuu yimid laakiin kuma arkin

Saynab way timid haseyeeshee kuma arkin

5.3 Qurub diiradeedyada (focus marker)

Qaybtan waxay ka koobantahay: baa iyo ayaa. labadan qurub oo isku si loo adeegsado waxay diiradda saaraan magaca ay ka dambeeyaan ama ay ku ag dhowyihiin, hawshooduna waxay tahay in ay muujiyaan in magacaasi uu yahay mid sida warka cusub ee la rabo in loo gudbiyo dhageystaha ama akhriyaha, Tus.:

Cali baa ka yimid Afgooye

(weertan waxaa laga dareemayaa in horey loo ogaa in laga yimid Afgooye, warka cusubse wuxuu yahay in Cali uu yahay qofka yimid oo ah yeelaha weerta, weertaa waxay jawaab u tahay weyddiinta ah: yaa ka yimid Afgooye?)

Qurubyadan marka ay diiradda saarayaan layeelaha waxay ku dhafmaan magacuyaallaka dhimman oo yeelaha ah.Tus.:

Gabadhu Cali bay (baa+ay) aragtay

Gaar ahaan marka la hadlayo qurubkan wuxuu ku lifaaqmi karaa magaca:

Calaa (Cali + ayaa) yimid

Waxaa kaloo qurub diiradeedyada la halmaala ereyga waxaa. Ereygan hawshiisu kama duwana midda ay qabtaan labada qurub ee aan kor ku soo xusnay, laakiin dhaqan gaar ah ayuu leeyahay marka laga eego xagga weereynta, maxaayeelay magaca uu diiradeynaayo wuxuu u wareejiyaa weerta dhammaadkeeda.Tus.:

Aadan wuxuu arkay faras cad

(Aadan faras cad ayuu arkay)

5.4 Qurub weereedyo kala duwan

Weeraha lagu magacaabo: weer caddayn (declarative sentence), weer weyddiimeed, weer amar, weer shardiiley iyo weer talo (obtative sentence) waxay leeyihiin qurubyo kala duwan oo muujinayaan kala duwanaanta hababka (mood) falalka. Waa kuwan, qurubyada ugu muhimsan (waa, ma, ha, sow, y-) iyo tusaalooyinkoodu:

a. weer caddayn

qurubkaqaab faleedka
w. caddaynwaa sugaa
w. weyddiimeedma sugaa
w. amar--- sug (ke)/ suga (w)
w. shardiileywaa sugi lahaa
w. taloha sugo

b. weer diidmo

qurubq. diidmoq. faleed
w. caddayn---ma sugo
w. weyddiimeedsowma sugo
w. amarha ---sugin/suginina
w. shardiiley---ma sugeen
w. taloyaanu ---sugin

Raadraac

1) Andrzejewski, B.W. “Pronominal and prepositional particles in Nothern Somali”, African Language Studies, 1, 1960.

2) Andrzejewski, B.W. “Inflectional characteristics of the so-called week verbs in Somali”, African Language Studies, 9, 1968.

3) Andrzejewski, B.W “Some observation on hybrid verbs in Somali”, African Language Studies,10, 1969.

4) Puglielli, A. Sintassi della lingua somala, Studi Somali 2, Roma, MAE,1981.

5) Puglielli, A. “La derivazione nominale in Somalo”, in A. Puglielli (a cura di) Aspetti morfologici, lessicali e della focalizzazione, Studi Somali 5, Roma, MAE, 1984.

6) Puglielli, A . e Ciise Mahamed Siyaad, “La flessione del nome”, in A. Puglielli (a cura di) Aspetti morfologici, lessicali e della focalizzazione, Studi Somali 5, Roma, MAE, 1984.

7) Puglielli, A e R.Ajello "More on 'hybrid verbs' in Somali", in M. Bachhaus-Gerst and F. Serzisko (eds.), Cushitic-Omotic: Papers from the International Symposium on Cushitic and Omotic Languages, Hamburg, Helmut Buske Verlag, 1988.

8) Puglielli, A. e Abdalla Omar Mansur , Barashada Naxwaha Af Soomaaliga, Londra, Haan Publisher, 1999.

9) Puglielli, A. “ The structure of coordination in Somali”, in M. Hoehne and V. Lulin (eds.), Milk and Peace, Drought and War. Somali Culture, Society and Politics, London, C. Hurst §Co Publishers LTD, 2010

10) Saeed John, Somali Syntax. London: John Benjamins, 1999.