Ku Saabsan Qaamuuska

Barnaamijkan waxa uu ku salaysanyahay buugga Qaamuuska Af Soomaaliga 2012, oo ay diyaariyeen Prof. Annarita Puglielli iyo Prof. Cabdalla Cumar Mansuur. Buuggu1, waa mirihii hawl adag oo muddo dheer soo socotay. In uu muddadaas dheer qaato waxaa ugu wacan maadaama uu qayb ka ahaa sababihii loo sameeyey mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed (Studi Somali)2, waxaa hawlgalkiisu billaabmay kaddib markii la soo saaray sannadka 1985 Qaamuuska Soomaali-Talyaani (Agostini F., A. Puglielli e Ciise M. Siyaad, Dizionario Somalo-Italiano, Roma, 1985); sababta ay hawshiisu u adkaatayna waxay ahayd iyadoo billowgii dagaalka sokeeye ee 1991 uu caqabad ku noqday sii wadidda hawshii qiimaha lahayd ee lagu qabtay Akademiyadii Sayniska, Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho.

Waxaase nasiib wanaag ah in dalka Taliyaaniga ay yaalleen nuqulladii macluumaadkaas oo laga shaqaynayay ilaa muddadaas. Inkastoo qaybo ka mid ah oo aan nuqulkooda la haynini ay ku baabba’een Soomaaliya, intooda badani way badbaadeen. Joogsiga mashruuca iskaashiga “Somalia-Italia” iyo burburkii ku dhacay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo Akedemiyadii, sida hay’adaha kale ee qaranka, iyo guud ahaan xaaladihii colaadeed ee dalka ka jiray waxay sababeen in dib u habayn xoog leh lagu sameeyo mashruuca qaamuuska.

Taariikh kooban oo ku saabsan qaamuuska

Ereyada aasaasiga ah ee lagu billaabay qaamuuskan waxay ahaayeen ereyadii qaamuuska soomaali-talyaani (DSI) oo la daabcay sannadkii 1985. Ereyadaas tiradoodu waxay ahaayeen qiyaastii 30.000 oo lagu soo xulay baaris lagu sameeyey qaamuusyadii markaa jiray oo idil oo ay ku saabsanaayeen af Soomaaliga oo lagu tarjumay af kale, laga billaabo midkii uu Reinisch sameeyey sannadkii 19023, iyo qaamuuska keliya ee hal af ku qoran ee markaas jiray oo ah midkii Yaasiin Cusmaan Keenadiid4 oo qiyaastii ka kooban 15.000 erey, intaa waxaa sii dheer ereyadii ka soo baxay lafagurkii lagu sameeyey qoraallo fara badan oo af Soomaaliga lagu qoray laga billaabo sannadkii 1972.

Haddaba hawshu waxay ku billaabatay in af Soomaali ahaan lagu qeexo micnaha ereyada ku qoran qaamuuska DSI iyadoo la raacayo qaacido iyo nidaam ay degsadeen cilmibaarayaal ka kooban Talyaani iyo Soomaali oo ka mid ahaayeen xubnaha mashruucaas. Waxaa kuwaas lagu sii kordhiyay markii dambe ereyo kale oo meelo kala duwan laga keenay, ha ahaadeen isla ereyadii markaas la hayay kuwa la micna ah ama ha ahaadeen ereyada ku saabsan kasmada, farsamada iyo cilmiga oo markaas loo baahnaa in loo adeegsado dib u habeynta buugagta dugsiyada, waxaana lagu dhaqaaqay in la soo xulo ereyada aasaasiga ee u gaarka ah maadda walba (xisaabta, fiisikiska, taariikhda iwm.). Eereyadaas iyo micnahooda oo Soomaali ah waxaa soo diyaariyey Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii Waxbarashada, xilligaasuna waa dhammaadkii 80meeyadii5

Taariikhdan kooban waxaan ku soo gunaanadaynaa in aan idin xasuusinno dhammaan dadka siyaabo kala duwan iyo muddo kala duwan ay uga qaybqaateen hirgelinta mashruucan laga billaabo 1985tii. Inkastoo qaarkood ay geeriyoodeen weli xasuusta kama suulin. Liiskani waa magacyadii dadka taabbaggeliyay hawsha buuggan.

Guddiga Cilmibaarista:

Annarita Puglielli, Axmed Cabdullaahi Axmed, Cabdalla Cumar Mansuur, Ciise Maxamed Siyaad, Axmed Cartan Xaange, Maryan Faarax Warsame, Dahabo Faarax Xasan, Cabdi Daahir Afey.

Sawirka Prof. Cabdalla Cumar Mansuur

Prof. Cabdalla Cumar Mansuur

Sawirka Prof. Annarita Puglielli

Prof. Annarita Puglielli

Tifaftirayaasha:

Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Muuse Kayd, Cabdullaahi Maxamed Shirwac, Maxamed Cilmi Toxow, Cumar Maxamed Siyaad, Ibraahim Nuur Faqaburaale, Xasan Macallin Ibraahim, Cabdi Daahir Afey, Cabdullahi Xasan Rooble, Axmed Cabdikariim Xirsi, Axmed Xasan Axmed, Amiin Maxamed Cali, Maxamed Soofe Xasan, Daahir Cali Cumar, Saciid Cusmaan Keenadiid, Aw Jaamac Cumar Ciise, Cali Axmed ‘Mudiir’. Iyo qaar kaloo badan.

Raadraac:

1Qaamuuska Af Soomaaliga 2012, Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur

2Mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo la bilaabay sannadka 1977-78, wuxuu ka mid noqday mashaariic cilmi-afeed oo lagu hormarinayey iskaashiga dhex yiil Talyaaniga iyo Soomaalida, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho (AAVV, Atti dei Convegni Lincei 107, Lingua, pensiero scientifico e interculturalità: l’esperienza dell’interazione universitaria in Somalia, Roma, Accademia Nazionale dei Lincei, 1994.)Mashaaricdaas hadafkoodu kuma ekayn keliyah in la hagaajiyo habka loo baro ardayda af talyaaniga si ay ugu suurtowdo in ay af Taliyaaniga ku bartaan maadooyinka looga dhigo kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, wuxuu kaloo yoolkiisi ahaa in si cilmiyeysan loo baaro af Soomaaliga xagga codayntiisa, dhismihiisa iyo ereyadiisaba, afkaanoo ah mid dhawaan loo yeelay far qoraal, noqdayn afka rasmiga ee qaranka Soomaaliyeed (Abdalla O. Mansur Il somalo dalla oralità alla scrittura,in Atti dei convegni Lincei 107,1994).

3Xog ku saabsan Reinisch iyo waxsoosaarkiisi waxaad ka helaysaa qoraalkii BW Andrzejewski. Reinisch's work on Somali and its significance today (1987).

4Yaasiin C. Keenadiid, Qaamuuska Af Soomaaliga, Firenze, 1976.

5Arrintan oo tifaftiran waxaa laga heli karaa qoraalkii. Puglielli A. iyo F. Bitocchi (2009).